HomeUncategorized

Wasiirka waxbarshada Dowladda faderaalka oo sheegay dowladda Kuweit inay ka heleen balan qaad waxbarsho

Muqdisho, May 16 - Wasiirka waxbarashada ee dowladda faderaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa faahfaahiyay shir muhiimadiisu ay ahayd kor u qaadida waxbarshada.

“Cidda keliya ee hub qaadan kartaa waa ciidanka qalabka sida ee dawlada” wasiirka amniga Puntland.
DHAGAYSO:Puntland iyo Midowga Yurub oo wada-furay wajiga Labaad ee Mashruuca waxbarashadu waa IFTIIN
Markab u raran ganacsato Somali ah oo ku gubanaya dekeda Berbera. [Akhris …]

Muqdisho, May 16 – Wasaaradda waxbarashada ee dowladda faderaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa faahfaahiyay shir muhiimadiisu ay ahayd kor u qaadida waxbarshada oo uu kaga soo qabgalay dalka Kuweit oo dhowaan uu kasoo laabtay, kadib markii booqasho uu ku tagay.

Dr Axmed Ibraahim Caydiid wasiirka waxbarshada ee dowladda KMG ah ee Soomaaliy ayaa sheegay dowladda Kuweit inay balan qaaday tababaro inay u fidiso macalimiin Soomaaliyeed.

Waxaa uu wasiirku tilmaamay madaxda dowladda Kuweit inay u gudbiyeen baahiyo wasaaradiisu ay ka qabto dhinaca waxbarshada dalka, loona baahanyahay dowladda Kuweit inay Soomaaliya ka taageerto dib usoo celinta goobihii waxbarsho ee dalka.

Wasaaradda waxbarshada ee dowladda faderaalka ayaa xiriir wanaagsan la yeelatay wasaarado waxbarsho oo caalamka ku yaala, kuwaasi oo qaarkood fursado waxbarsho siiyay arday Soomaaliyeed, inkastoo ay weli jirto dhaliilo wasaaradda loogu jeedinayo qaabka ay u maaraysay deeqaha waxbarsho oo ay caalamka uu siiyo.

Diiwaanka Wararka
Daljir Bosaso.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: