HomeUncategorized

M/wayne Faroole oo la kulmay R/wasaare ku xigeenka Ethiopia, kadibna u dhoofay India.

Garowe, May 14 - Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiraxman Maxamad Maxamud (Farole) iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa Axadii ka dagay magaalada New Delhi ee xarunta dalka India ka dib markii uu kulan la qaatay mas?uuliyiinta dalka Ethiopia.

The Prime Minister tables Electoral Process to the Federal Parliament
Baahin: Axad, 29- SEP 2013 -Caawa Iyo Daljir Weriye Cabdifataax Cumar Geeddi ~ Daljir ~ Galkacyo
?Dagaalka aan ka wadno Somaliya waa mid aan ku difaacayno ummadda Maraykanka? R/wasaare Farmaajo.

Garowe, May 14 – Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiraxman Maxamad Maxamud (Farole) iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa Axadii ka dagay magaalada New Delhi ee xarunta dalka India ka dib markii uu kulan la qaatay mas?uuliyiinta dalka Ethiopia.

Wafdiga Madaxweynaha Puntland oo uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Gen.Cabdullahi Axmed Jamac (Ilkajir) ayaa ka soo duulay magaalada Garowe ee xarunta Puntland maalintii Jimcaha (11 May 2012) iyagoo kusii jeeda New Delhi oo ay ka heleen casuumaad rasmi ah Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka India.

Madaxweyne Farole ayaa maalinimadii Sabtida ah kula kulmay Addis Ababa Rai?sul Wasaare-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Mr. Hailemariam Desalegn, iyadoo ay mas?uuliyiintaasi ka wada hadleen arrimaha kusoo cusboonaaday guud ahaan Somalia dhanka amaanka iyo arrimaha siyaasadda.

Madaxweyne Farole iyo Wafdigiis ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Indira Gandhi International Airport kusoo dhaweeyey mas?uuliyiin ka socota Safaarada Somalida oo ayhormuud ka tahay Ambassador Ebyan M. Salax iyo sarakiil ka socota Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka India.

Madaxweynaha Puntland ayaa la filanayaa inuu kala hadlo mas?uuliyiinta Dowladda India arrimaha Somalia guud ahaan iyo Puntland gaar ahaan, wadahadalaas ayaa sidoo kale lagu soo qaadi doonaa horumarinta hey?adaha Dowliga ah, iskaashiga la dagaalankaburcad-badeeda, iyo ka faa?idaysiga teknoloojiyada casriga ah oo uu ku hormaray dalka India.

Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: