M/wayne Faroole oo la kulmay R/wasaare ku xigeenka Ethiopia, kadibna u dhoofay India.

Garowe, May 14 – Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiraxman Maxamad Maxamud (Farole) iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa Axadii ka dagay magaalada New Delhi ee xarunta dalka India ka dib markii uu kulan la qaatay mas?uuliyiinta dalka Ethiopia.

Wafdiga Madaxweynaha Puntland oo uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Gen.Cabdullahi Axmed Jamac (Ilkajir) ayaa ka soo duulay magaalada Garowe ee xarunta Puntland maalintii Jimcaha (11 May 2012) iyagoo kusii jeeda New Delhi oo ay ka heleen casuumaad rasmi ah Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka India.

Madaxweyne Farole ayaa maalinimadii Sabtida ah kula kulmay Addis Ababa Rai?sul Wasaare-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Mr. Hailemariam Desalegn, iyadoo ay mas?uuliyiintaasi ka wada hadleen arrimaha kusoo cusboonaaday guud ahaan Somalia dhanka amaanka iyo arrimaha siyaasadda.

Madaxweyne Farole iyo Wafdigiis ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Indira Gandhi International Airport kusoo dhaweeyey mas?uuliyiin ka socota Safaarada Somalida oo ayhormuud ka tahay Ambassador Ebyan M. Salax iyo sarakiil ka socota Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka India.

Madaxweynaha Puntland ayaa la filanayaa inuu kala hadlo mas?uuliyiinta Dowladda India arrimaha Somalia guud ahaan iyo Puntland gaar ahaan, wadahadalaas ayaa sidoo kale lagu soo qaadi doonaa horumarinta hey?adaha Dowliga ah, iskaashiga la dagaalankaburcad-badeeda, iyo ka faa?idaysiga teknoloojiyada casriga ah oo uu ku hormaray dalka India.

Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com