HomeUncategorized

Gudoomiyaha degmada Banderbeyala oo ka hadlay qorsheyaal lagu horumarinayo deegaanka

Bosaso, Apr 30 -Gudoomiyaha degmada Banderbeyla ee gobolka Karkaar ayaa ka warbixiyay qorsheyaal horumarineed oo ka soconaya degmada Benderbeyla oo ka mid ah deegaan xeebeedyada Puntland ee gobolka Karkaar.

Maxkamadda Bristol UK oo Dib u Dhigtay Dacwad loo haysto Eedaysane Soomaali ah
Dhagayso Barnaamijka Subaxnimo ee Saakay iyo Dunida May – 09 – 2016 Wariye C/fitaax Cumar Geeddi
Garoowe: Tirada caruurta u jiifta isbitaalka cudurada faafa oo sii kordhaysa; ololihii todobaadka tallaalka oo guul ku soo dhamaaday.

Bosaso, Apr 30 -Gudoomiyaha degmada Banderbeyla ee gobolka Karkaar ayaa ka warbixiyay qorsheyaal horumarineed oo ka soconaya degmada Benderbeyla oo ka mid ah deegaan xeebeedyada Puntland ee gobolka Karkaar.

Gudoomiyaha degmada Benderbeyla Saciid Aadan Cali “Anteeno” oo maanta la hadlay Radio Daljir ayaa tilmaamay degmada inay ka bilaabeen barnaamijyo horumarineed.

Waxaa uu sheegay barnaamijka koowaad ee horumarinta degmadu inay ugu magacdareen “Samata Bixinta Degmada Benderbayla” oo ay kaga samata bixiyeen colaaadaha islamarkaana looga wada shaqaynayay horumarinta nabadaafadda, iyo soo afjaridda dhibaatooyinka.

Qaybta labaad ee horumarinta degmada Benderbayla ayuu sheegay in loogu magacdaray “Benderbeyla Ha Horayso” oo macnaheedu yahay haku horayso nabadglayada, dhaqaalaha, Soomaalinimada iyo hormuudka degmooyinka.

Gudoomiyaha ayaa gabagabadii tilmaamay inay jiraan dedaallo lagu dayactirayo xarumaha muhiimka ee dowladda sida saldhigyada booliska, dowladda hoose iyo adeegyada bulshada ee degmada Benderbayla.

Diiwaanka Wararka
Daljir Bossaso.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: