Beeralayda Bosaaso oo ka cabanaya canshuur lagu soo rogay (dhegayso)

HomeWararka

Beeralayda Bosaaso oo ka cabanaya canshuur lagu soo rogay (dhegayso)

Dowladda Hoose ee degmada Bosaaso ayaa canshuur ku soo rogtay Beeralayda tirada yar ee  Gobolka Bari taasi oo aan horay looga qaadi jirin. Gudoomiy

Banbaxa Golaha Wasiirrada oo looga hadlayo Doorashooyinka, Amniga, Dhaqaalaha, Caddaaladda iyo Qorshaha Xukuumadda.
“Ma filayo inay raga xabadaha la ordaya ay dadka ku khasbi karaan in lagu noqdo nidaam fashil ah,
Caawa & Daljir iyo Xuseen Cabdi Jimcaale Madar, Daljir Burtinle (dhegayso)

Dowladda Hoose ee degmada Bosaaso ayaa canshuur ku soo rogtay Beeralayda tirada yar ee  Gobolka Bari taasi oo aan horay looga qaadi jirin.

Gudoomiyaha Sagaalka Gobol ee Beeralayda Puntland Cabdi casiis Garaad ayaa Daljir uga waramay waxa xiligan keenay canshurtan laga qaadayo Beeralayda, waxaana canshuurtan ka cabanaya beeralayda tirada yar ee ka howlgala duleedka Bosaso, kuwaasi oo sheegaya inay ahayd xiligaan waqtigii la dhiiri gelin lahaa beeralaydooda.
Wariye Xasan Heykal ayuu uwaramay oo Bosaaso jooga.

 

Dhanka kale Wasaarada Beeraha iyo Waraabka ee dowladda Puntland ayaan waxka waydiinay waxa ay ka ogtahay canshuurtan lagu soo rogay beeralayda .
Cali Axmed Cumar lataliyaha Wasaarada Beeraha iyo waraabka Puntland , Wariye Xasan heykal ayuu uwaramay , waxaana uu waydiiyay waxa uu arintan ka ogyahay.
Waxaa uu sheegay inkastoo sharciga wixii qabo aan laga horimaan karin, balse kaliya loo baahanyahay in nidaam sharci ah la maro oo canshuurta lagu qaado, dhanka kallena waxaa uu sheegay beeralayda inay haysato darruufo badan oo ay ka mid yihiin khibrad la’aan iyo taageerada dowladda oo aan jirin.
Hoos kadhagayso

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: