Xiisadda Mowshinka Baarlamaanka oo sii xoogaystay

HomeWararka

Xiisadda Mowshinka Baarlamaanka oo sii xoogaystay

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalle Cabad ayaa kasoo horjeestay warqaddii shalay kasoo baxday guddoomiye kuxigeenka

Shirkii ay ku baaqeen Maamulada Puntland & Jubbaland oo baaqday
Warka Fiidnimo, Cabdishakuur Sunni Gaagaab, Daljir Garoowe (dhegayso)
Xulashada Daljir & Axmed Maxamed Nadiif, Daljir Buuhoodle (dhegayso)

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalle Cabad ayaa kasoo horjeestay warqaddii shalay kasoo baxday guddoomiye kuxigeenka koowaad ee baarlamaanka Cabdiwali Ibraahim Muudeey oo lagu shaaciyay in Sabtida soo aadan baarlamaanka uu qaadayo mowshinka ka dhanka ah guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Mahad Cabdalle Cawad ayaa sheegay wali inuu guddoomiye yahay Jawaari, islamar ahaantaana uu kusime ahayn Cabdiwali Ibraahim Muudeey.

Waxaa uu sheegay qoraalka kasoo baxay guddoomiye kuxigeenka koowaad ee baarlamaanka inuu ka horimaanayo sharciga iyo xeer hoosaadka baarlamaanka.

Mowshinka ka dhanka ah guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhaliyay inay baarlamaanka ay u kala jabaan laba garab.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 1
  • Baarlamaan meesha majoigee ninwalboow bariiskaaga dhacso xaalku waa saas

DISQUS: