Xiisadda Mowshinka Baarlamaanka oo sii xoogaystay

Xiisadda Mowshinka Baarlamaanka oo sii xoogaystay

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalle Cabad ayaa kasoo horjeestay warqaddii shalay kasoo baxday guddoomiye kuxigeenka koowaad ee baarlamaanka Cabdiwali Ibraahim Muudeey oo lagu shaaciyay in Sabtida soo aadan baarlamaanka uu qaadayo mowshinka ka dhanka ah guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Mahad Cabdalle Cawad ayaa sheegay wali inuu guddoomiye yahay Jawaari, islamar ahaantaana uu kusime ahayn Cabdiwali Ibraahim Muudeey.

Waxaa uu sheegay qoraalka kasoo baxay guddoomiye kuxigeenka koowaad ee baarlamaanka inuu ka horimaanayo sharciga iyo xeer hoosaadka baarlamaanka.

Mowshinka ka dhanka ah guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhaliyay inay baarlamaanka ay u kala jabaan laba garab.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • Baarlamaan meesha majoigee ninwalboow bariiskaaga dhacso xaalku waa saas

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com