HomeUncategorized

Dhismaha xaruntii hay?adda dambi-baarista Puntland oo la dhammaystiray iyo M/weynaha Faroole oo xarigga ka jiray.

Caption ...

Madaxweynaha Puntland oo hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.
DHEGEYSO-Barnaamijkii Caawa iyo Daljir iyo Khadar Cawl Ismaciil.
Iska-horimaad ka dhashay dhul la isku qabsaday ee deegaanka Gambayax, Nugaal oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Garowe, April 03 ? Waxaa maanta si rasmi ah loo daahfuray dhismaha xarunta hay?adda nabad-sugidda Puntland ee CID-da taasoo muddooyinkii ugu dambeeyey lagu hawlanaa hirgalinta dhismaheeda.

Xaruntaas cusub ee ay yeelanayso hay?adda dambi-baarista Puntland ayaa waxaa xarigga ka jaray M/weynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud ?Faroole, waxaana dhidbidda dhismahaasi gacan ka gaysatay hay?adda UNDP ee dhinaca hormarinta ka shaqaysa.

Munaasabadda lagu daahfurayey dhismahaasi waxaa kaloo ka qaybgalay madax kala duwan oo ka tirsan dawladda Puntland oo ay ka mid ahaayeen ku-xigeenka M/weynaha Gen. Cabdisamad Cali shire, mas?uuliyiin ka mid ah xukuumadda iyo baarlamaanka, waxaana iyana isla goobta ku suganaa saraakiil ka socotay hay?adda UNDP iyo madax kaleeto.

Hirgalinta dhismaha hay?adda nabad-sugidda Puntland ayaa loo arkaa in uu wax-ku-ool ku yahay habsami u socodka hawlaha dambi-baariseed ciidanka dabagalka, iyadoo dhinaca kalena wax badan ka tari karta hannaanka shaqo ee hay?adda.

Diiwaanka Wararka
Daljir Galkacyo.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: