Baarlamaanka Soomaaliya oo Beesha Caalamka ugu baaqday inay joojiyaan faragalinta mowshinka

HomeWararka

Baarlamaanka Soomaaliya oo Beesha Caalamka ugu baaqday inay joojiyaan faragalinta mowshinka

Mudanayaal katirsan golaha baarlamaanka Soomaaliya ee mowshinka ka keenay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa dal

MAANHADAL: Gaas iyo Camey “Yaa ku Qaldan Magacaabista Guddiga yaa se ku Saxsan?” (dhegayso )
Puntland oo lagu wareejiyeey qalab looga hortagayo Covid-19
Sucad Cabdisamad Yaasiin: “Somaliland Laascaanood inay ku soo labato waa midaan dhici karin abid.”

Mudanayaal katirsan golaha baarlamaanka Soomaaliya ee mowshinka ka keenay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa dalbaday inay Beesha Caalamka ay joojiyaan faragalinta ay ku hayaan mowshinka kadhanka ah Jawaari.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah xubnaha saxiixay warqadda loo diray Beesha Caalamka ee lagu dalbanayo inay faraha kala baxaan mowshinka ka dhanka ah Jawaari ee socda ayaa sheegay in loo madaxbanaaneeyo golaha baarlamaanka inay sharciga ay wax ku saxaan.

Waxaa uu sheegay inay jiraan faragalin ay Beesha Caalamka ku hayso mowshinka ay kaga qaadayaan xilka guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Jawaari.

Golaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku eedeeyey guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya xil gudasho la’aan iyo ku tagri fal awoodeed, iyadoona dhaqdhaqaaq looga soo horjeedo ee kasocda magaalada Muqdisho uu sii xoogaystay.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: