Xildhibaanada Aqalka sare oo tageeray go’aankii dalka looga saaray DPWorld

HomeWararka

Xildhibaanada Aqalka sare oo tageeray go’aankii dalka looga saaray DPWorld

Kulan ay maanta isugu yimaadeen Xildhibaannada aqalka sare ee Soomaaliya ayey maanta ku taageereen go’aankii dhawaan golaha shacabka ay dalka uga mamn

Wafti Federaalka iyo Maamulada Dalka oo Qardho lagu Soodhaweeyey (dhegayso)
Ra’iisul Wasaare Xamse oo Dhiirri-geliyey Maalgashiga Warshadaha iyo Wax-soosaarka dalka
Xulashada Daljir & Faadumo dagan, Daljir Boosaaso (dhegayso)

Kulan ay maanta isugu yimaadeen Xildhibaannada aqalka sare ee Soomaaliya ayey maanta ku taageereen go’aankii dhawaan golaha shacabka ay dalka uga mamnuuceen Sharikadda DPWorld.

Golaha aqalka sare ee dalka ayaa taageeray xeerkii ay meel mariyeen golaha shacabka ee dalka looga mamnuucay DPWorld.

36; XIldhibaan ayaa xaadirtay fadhiga aqalka sare ee maanta,iyada oo ay 28; Xildhibaan oggolaatay in dalka laga saaro DPWorld, 6; xildhibaan ayaa diiday halka 2; Xildhibaan ay ka aamuseen.

Xildhibaannada Golaha aqalka sare ayaa shalay ku kala qeybsamay arrintan hayeeshee kulan ay maanta isugu yimaadeen ayey ku aqbaleen go’aankaas.

DPWorld ayaa iyaduna maanta sheegtay in uusan quseyn go’aanka ka soo baxay golaha Shacabka Soomaaliya islamarkaana ay sii wadeyso mashaariicda ay ka fulineyso degaannada Somaliland.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: