Xildhibaan ka hadlay Mooshinka Jawaari ,sheegayna in Xafiiska Khayre lagaso Abaabulay

Xildhibaano ka soo horjeeda Mooshinka laga keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa qaarkood waxa ay sheegeen in Mooshinkan laga soo abaabulayo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, qeybna ay ka yihiin Golaha Wasiirada.

Xildhibaan Maxamuud Abuukaate oo ka tirsan Golaha Shacabka oo la hadlay saxaafadda ayaa waxa uu sheegay in dhammaan Golaha Wasiirada intooda ka mid ah Xildhibaanada inta safaro Dibadda ah ku maqan iyo kuwa gudaha joogaba ay wada saxiixeen.

Wuxuu kaloo sheegay xildhibaaan Abuukaate in Mooshinka laga keenay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) uu geed fadhi u yahay Ra’iisul Wasaaraha.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com