Wasiirka Arrimaha Gudaha DFS oo magaaladda Muqdisho ka furay kulan looga hadlayo Hannaanka Qaran ee Dib u heshiisiinta (Dhegayso)

HomeWararka

Wasiirka Arrimaha Gudaha DFS oo magaaladda Muqdisho ka furay kulan looga hadlayo Hannaanka Qaran ee Dib u heshiisiinta (Dhegayso)

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa furay kulan looga hadlayo dib u heshiisiinta Soomaaliya waxaana ka qeyb galaya X

NISA: “Waxaan dilnay 12 Sarkaal oo Al-Shabaab katirsan”
Maxkamadda Gobalka Banaadir oo maanta ku dhawaaqday xukunta 11 Ruux oo lagu edeyeey musuqmaasuq
Saaka & Dunida iyo Cabdifataax Cumar Geeddi, Daljir Garoowe (dhegayso)

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa furay kulan looga hadlayo dib u heshiisiinta Soomaaliya waxaana ka qeyb galaya Xubno ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Gobaleedyada, Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Wakiilo ka socda Midowga Yurub, Hay’adaha ka shaqeeya Nabada iyo Dib u heshiisiinta iyo Masuuliyiin kale.

Wasiirka ayaa kulanka ka sheegay in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay dib u heshiisiinta maadaama ay aasaas u tahay nabadda iyo xasiloonida Dalka.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Micheal Keating oo kulanka ka hadlay ayaa bogaadiyay dadaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dib u heshiisiinta iyo sida ay uga go’an tahay, isagoo Tusaale usoo qaatay dib u heshiisiinta Galmudug iyo Ahlusunna iyo Xal ka gaaristii dagaaladii Gaalkacyo.

Wakiilada ka socda dowladaha Yurub ee ka qeyb galaya kulanka ayaa balanqaaday inay door weyn ka qaadan doonaan Taageerada Soomaaliya ee dib u heshiisiinta.

Wariye Cabdulqaadir Irshaad ayaa Muqdisho kaso diray Warbixintan

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: