HomeUncategorized

Dowladda Jabuuti oo beenisay in ciidamo looga dilay magaalada Muqdisho.

Caption ...

“Iskaashi ay sameeyeen maamulka & shacabka Eyl dartii wax burcad ahi ma joogaan Eyl; Eyl saafi bay ka tahay wax burcad badeed ah” Faysal Khaliif Wacays.
DHEGEYSO-Barnaamijkii Xulashada Daljir iyo Xuseen Madar.
M/weyne Faroole oo maanta furay kalfadhigii 26-aad ee baarlamaanka Puntland, una jeediyey khudbad la xiriirta xaaladda dalka iyo socdaalladiisii dibadda.

Mogadishu,Mar 5 – Dowladda Jabuuti ayaa beenisay war kasoo baxay ururka Al-Shabaab oo ahaa in laba askari oo kartirsan ciidamada Jabuuti in lagu dilay dagaaladii ugu dambeeyay ee magaalada Muqdisho ku dhexmaray ciidamada Midowga Afrika iyo Al-Shabaab.

Safriika Jabuuti ee Soomaliya Dayib Dubbad Rooble oo shir jara\’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay,inaysan jirin wax askari oo dowladda Jabuuti looga dilay magaalada Muqdisho.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu sheegay ciidamada dowladda Jabuuti inay weli ku suganyihiin goobihii laga dejiyay magaalada Muqdisho ayna weli bilaaban howlgaladii ay ciidanku kula dagaalami lahaayeen ururka Al-Shabaab,balse waxaa uu sheegay inay filayaan dhowaan inay soo gaaraan ciidamo dheeraad ah,kadibna ay qaadi doonaan howlgallo ka dhan ah ururka Al-Shabaab.

Dowlada Jabuuti ayaa inka badan 100-askari u dirtay magaalada Muqdisho dhamaadkii sanadkii 2011-kii,si ay ugu biiraan howlgalka Midowga Afrika uu ka wado magaalada Muqdisho.

Diiwaanka Wararka
Daljir,Bossao.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: