HomeUncategorized

Puntland oo tafaasiil ka bixisay dagaalkii shalay dhex maray ciidanka dawlada & Al-Shabaab.

Caption ...

Adeega Wadooyinka Puntland oo la Hormarinayo
Baahin: Isniin, Mar 19, Maxamed C. Kuuriya ~ Daljir ~ Bossaso. Wafti uu hogaaminayo M/weyne Faroole oo booqasho ku jooga Rako Raaxo; Kulamo maalintii 2-aad uga socda Baydhabo wufuud uu hogaaminayo afhayeenka baarlamaanka federaalka; Maxkamda ciidanka qalabka sida Puntland oo xukun xarig & ganaax ah ku xukuntay askari lagu eedeeyey sakhraanimo iyo haysasho lacag faalsa ah; Maamulka gobolka Sh. Hoose oo sheegay in saraakiisha ugu sareeya Al-shabaab oo ku dhuumanayaan gobolka.
Muhaajirin ay ku jiraan Soomaali oo ku Geeriyooday Dooni ku Qalibantay badda Gariigga

Bosaso,Mar 4 -Wasiir kuxigeenka wasaaradda amniga iyo hubka dhigista dowladda Puntland Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed oo shir jara’id ku qabtay xafiiskiisa magaalada Boosaaso ayaa waxaa uu ka hadlay,dagaaladii shalay ay ciidamada dowladda Puntland la galeen ururka Al-Shabaab iyo howlgalada ay dowladda waddo xiligaan.

Wasiirka, ayaa ugu horayntii sheegay inuu hambalyo u dirayo ciidamada Puntland oo uu sheegay inay guullo kasoo hoyeen dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Maraje ee katirsan deegaanka Galgala ee gobolka Bari.

Waxaa sidoo kale wasiirku uu tacsi u diray ehelada ay ka geeriyooday laba ka mid ah ciidamada Puntland oo dagaalkii shalay ku geeriyooday,waxaana uu caafimaad u rajeeyay shan ka mid ah ciidamada oo dagaaladii shalay ku dhaawacmay.

Wasiirka ayaa sheegay inay dileen todobo ka mid ah maleeshiyaadka ururka Al-Shabaab,ayna dowladdu la wareegtay deegaanka Maraje oo ay shalay galeen maleeshiyaadkii habeen hore soo weerartay kantoroolka koonfureed ee Boosaaso.

Wasiirka oo wax laga weeydiiyay xariga agaasimaha idaacadda Codka Nabadda ayaa waxaa uu hoosta ka xariiqay,xarigaasi inuu la xiriiro cod ay idaacaddu siidaysay oo ahaa guullo ay Al-Shabaabku ka sheegteen dagaaladii ay ciidamada Puntntland ay la galeen.

Diiwaanka Wararka
Daljir,Bossaso.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: