HomeUncategorized

Muhaajirin ay ku jiraan Soomaali oo ku Geeriyooday Dooni ku Qalibantay badda Gariigga

Isniin, Abriil 20, 2015 (Daljir) — Ugu yaraan saddex qof oo ay Somali ku jireen ayaa maanta ku geeriyooday dooni ay la socdeen in ka badan 80-qof oo ku degtay Jesiiradda Rohodes ee dalka Giriigga.Hadal ka soo baxay Boliska dalkaasi ayaa sheegay in uu ilmo yar ka mid ahaa dadkii ku haftay Badda.rn

DHEGEYSO-Barnaamijkii xulashada Daljir iyo Maxamuud Cabdi Ibrahim.
Ciidamada badda Puntland oo rajo ka muujiyay soofurashada markabka Icerberg1 ee lagu haysto xeebta Garacad
DHEGEYSO-Xadaynta xuduudaha degmooyinka Puntland oo Garoowe looga shiray.

Isniin, Abriil 20, 2015 (Daljir) — Ugu yaraan saddex qof oo ay Somali ku jireen ayaa maanta ku geeriyooday dooni ay la socdeen in ka badan 80-qof oo ku degtay Jesiiradda Rohodes ee dalka Giriigga.Hadal ka soo baxay Boliska dalkaasi ayaa sheegay in uu ilmo yar ka mid ahaa dadkii ku haftay Badda.

Doonida waday Tahriibayaasha oo ka soo ambabaxday Xeebaha dalka Turkiga  ayaa la sheegay inay herdisay Jamal ama dhagax ku dhex yaalla Jesiiradda Ajen.

Afhayeen u hadlay Boliska Giriigga ayaa sheegay in la badbaadiyey 57 Tahriibayaal, iyadoo 23 kalena la dhigay Isbitaal ku yaalla Jesiiradda Rohodes.

Afhayeenka waxa uu sheegay inay suurtogal tahay inay sii korodho tiradda dhimashadda, maadama ay Biyaha Jesiiradda qabow dartiisa u barafoobeen.

Tobankii maalmood ee la soo dhaafay,  in ka badan 700 Tahriibayaal ka soo shiraacday Xeebaha dalka Turkiga ayaa gaaray Jesiiraddaha  Ajen  iyo Lesboos ee dalka Giriigga.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: