Guddiga Maaliyadda Barlamaanka Somaaliya oo kaso horjeestay casnhuur kordhinta (Akhriso)

HomeWararka

Guddiga Maaliyadda Barlamaanka Somaaliya oo kaso horjeestay casnhuur kordhinta (Akhriso)

Maanta Kulan ay Muqdisho ku yeesheen Gudiyada joogtada ee Golaha Shacabka ayaa waxa ay u xilsaareen gudiyada Maaliyadda iyo Ganacsiga in ay dhageystaa

Warka Caweysin iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim, Daljir Boosaaso (dhegayso)
Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir oo howlgallo ku soo qabtay Rag ku eedaysan falal kala duwan.
Wasiirkii sadexaad oo iska casilay Hirshabelle

Maanta Kulan ay Muqdisho ku yeesheen Gudiyada joogtada ee Golaha Shacabka ayaa waxa ay u xilsaareen gudiyada Maaliyadda iyo Ganacsiga in ay dhageystaan Cabashada Ganacsatada Muqdisho ay ka qabaan Canshuur kordhinta lagu sameeyey.

dhinaca kle Gudiga ayaa soo saaray War-Saxaafadeed ay uga hadlayeen jawaab bixinta cabashadii ka timid Ganacsatada,waxa ayna ugu horeyn sharcidaro ku tilaameen Cansuurta Iibka ee lagu kordhiyay Ganacsatada oo ah 5%.

Guddiga ayaa soo saaray War-Saxaafadeed ka koobnaa 5 Qodob ayaa sidoo kale Gudigu waxa ay Wasaaradda Maaliyadda ka dalbadeen in 30 bisha April ay horkeento Baarlamaanka Soomaaliya,isla markaana aan sharci noqon doonin Canshuurtaas hadii aan Baarlamanka la marsiin.

Hoos ka akhri Qodobada kasoo baxay kulanka

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: