HomeUncategorized

Dowladda Turkiga oo beenisay inay raashiin dhacay ka qaybisay Muqdisho

Mogadishu,Feb 8 -Dowladda Turkiga ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay war dhowaan kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo sheegaysa dowladda Turkiga inay raashiin dhacay ka qaybisay magaalada Muqdisho.

Xaaladd nolo xumo oo laga soo sheegayo kaamamka barakacayaasha ee Bur-saalax.
Baahin: Isniin, May 09, Weriye Maxamed C. Kooshin ~ Daljir ~ Garowe. Afartameeyo mudane oo ka tirsan baarlamaanka federaalka ah oo tababar kaga qayb gali lahaa Nairobi oo laga celiyey madaarka Adam Cade; Xil. Xasan Xareed ayaan waraysanay; Xil. Cali Muumin ayaan isna waraysanay … Jibuuti oo lagu eedeeyey in ay faragelin siyaasadeed ka wado gobollada Puntland; Nabadoon Xasan Faarax ayaan waraysanay … Puntland oo sheegtay in aysan dhallinyaradu fursado shaqo ka helin dhanka maamulka; Wasiirka shaqada & shaqaalaha ayaan waraysanay … Khilaaf ugub oo la sheegay in uu ka dhex curtay mudayaasha baarlamaanka federaalka ah; Xil. Daahir Ciiro ayaan waraysanay …
DHEGEYSO-Barnaamijkii Caawa iyo Daljir iyo Axmed Sh Maxamed Tall man.

Mogadishu,Feb 8 -Dowladda Turkiga ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay war dhowaan kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo sheegaysa dowladda Turkiga inay raashiin dhacay ka qaybisay magaalada Muqdisho.

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Jamaluddin Turan oo la hadlay saxaafadda ayaa waxaa uu ku tilmaamay eedaynta kooxda Al-Shabaab ay u soo jeedisay dowladda Turkiga inay tahay mid sal iyo raad toona lahayn.

Waxaa uu sheegay gargaarka ay dowladda Turkiga ay soo gaarsiinayso wadanka Soomaaliya inuu yahay kuwo aan waqtigooda dhamaan,islamar ahaanataana shaybaar caafimaad lasoo marsiiyay,tayadiisuna ay tahay mid saraysa.

Sarkaal katirsan ururka Al-Shabaab oo lagu magacaabo Sheekh Cabduqaadir Muumin ayaa dhawaan ka sheegay warbaahinta ku hadasha afka Al-Shabaab gargaarka ay ururarada samafalka ee Turkiga ay ka qaybinyaan dalka Soomaaliya inay yihiin kuwo dhacay oo aan u wanaagsanyn caafimaadka,isagoo hadalkiisa sii wata ayuu ugu baaqay shacabka inay isticmaaliin raashiinka iyo dawooyinka Turkiga uu keeno dalka Soomaliya.

Dowladda Turkiga ayaa lagu xusuustaa kaalintii ay ka qaadatay ka jawaabista abaartii ku dhufutay dalka Soomaaliya,waxaana horay magaalada Muqdisho u gaaray raysal wasaaraha wadankaasi oo booqashadiisa Muqdisho ay noqotay mid caalamka kusoo jeedisay arimaha Soomaaliya.

Diiwaanka Wararka
Daljir Boosaaso.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: