HomeUncategorized

7 qof oo rayad ah oo siyaabo kale duwan loogu dhaawacay degmada Taleex ee gobolka Sool.

Caption ...

Cali dheere ?dalalka ku jira howl-galka AMISOM ayaan ka fulin doonaa weeraradii Nairobi oo kale?
DHAGAYSO: Dugsiyada Midigalle Sanaag iyo Imaamu Nawaawi Garowe oo ka Guulaystay Dugsiyadii ay la Tartameen
Yusuf Indhacadde, wasiiru dawlaha gaashaandhiga ee dawlada federaalka ah, oo ka badbaaday isku day dil.

Taleex, January, 11 ? Inta la hubo 7 qof ayaa siyaabo kale duwan loogu dhaawacay degmada Taleex ee gobolka Sool, waxaana dhaawacyadii xilligaan lagula tacaalayaa goobo caafimaad oo ku yaala Taleex.

Wariya Faysal Jaamac Aadan oo ku sugan Taleex ayaa Daljir u xaqiijiyay in dadkaan dhaawaca ah 5 ka mida uu dhaawacay shaqsi ka mida qaad-walayaasha ka ganacsada maandooriyahaasi, halka 2-da kalena ay ku dhaawac-meen bannaanbax maantay ka dhacay degmada Taleex oo lagu soo dhawaynayay qodobadii kasoo baxay shirkii Khaatumo 2.

Xaaladda degmada Taleex ayaa haatan ah mid aad u dagan, waxaana wariye Faysal Jaamac Aadan uu noo xaqiijiyay dhaawacyadaan inaysan saamayn ku yeelan habsami u socodka shirka Khaatumo 2, iyo jawiga Taleex intaba.

Diiwaanka Wararka,
Daljir, Garowe.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: