Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya oo la kulmay safiirka Imaaraat-ka u jooga Soomaaliya

HomeWararka

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya oo la kulmay safiirka Imaaraat-ka u jooga Soomaaliya

Wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa kulan kula qaatay xarunta Safaaradda ee Magaalada Muqdisho safiir

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Dhuusamareeb Soo Gaaray
Cabdiraxmaan Shiikh Mahdi “ONLF kama ka tanaasuli doonto gobanimo udirirkii Soomaali Galbee”
Wasiir Maxamuud Caydid Dirir “Horta waan u cudur daarayaa Madaxweynaha waa nin waayeel ah,”

Wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa kulan kula qaatay xarunta Safaaradda ee Magaalada Muqdisho safiirka dowladda Imaaraat-ka carabta u fadhiya Soomaaliya Amb; Maxamed Axmed Cusmaan Al-xamaadi.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Imaaraat-ka iyo sidii loo sii xoojin lahaa calaaqaadka taariikhiga ah.

Danjire Al-xamaadi ayaa wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya u gudbiyay dhambaal salaan ah oo uu kaga siday dhiggiisa Dalka Imaaraat-ka Cabdala Bin-Zayed Al-Nahyaan iyo wasiiru dowlaha Dalkaasi Dr; Anwar Bin Maxamed Qarqaash, iyagoo u rajeeyay inuu ilaahay ku guuleeyo howlaha horyaalla.

Wasiir Cawad ayaa dhankiisa dowladda Imaaraat-ka kaga mahad celiyay dedaallada joogtada ah ee ay ku taageereyso Soomaaliya, isagoo aad u bogaadiyay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada Dowladood.

Sidoo kale wasiirka ayaa dowladda Imaaraat-ka ku ammaanay mashaariicda horumarineed ee dhan walba leh ee ay ka waddo Dalka Soomaaliya, gaar ahaan taageerada ay siiso wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: