HomeUncategorized

Puntland oo soo dhaweysay hawlgallada amni ee gobollada dhexe & soo gelitaanka Itoobiya ee Beladweyn.

Garowe,Jan 1 -Dowladda Puntland ayaa soo dhoweysay howlgalka ay ciidamada Itoobiya dhawaan kusoo galeen magaalada Baladwayne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Maxkamadda degmada Berbera oo maanta xukunno xarig ah ku ridday 7 nin oo burcad-badeed Soomaali ah.
Hogaamiyaha Mucaaradka Kenya oo Booqanaya RiftVally
Saraakiil ka tirsan ururka Al-Shabaab oo weerar cirka ah lagu dilay

Garowe,Jan 3 – Dowladda Puntland ayaa soo dhoweysay howlgalka ay ciidamada Itoobiya dhawaan kusoo galeen magaalada Baladwayne ee xarunta gobolka Hiiraan.

War qoraal ah oo laga soo soo saaray madaxtooyada Puntland ee magaalada Garoowe ayaa waxaa lagu sheegay ciidamada Itoobiya ee galay magaalada Baladwayne inaysan kusoo xadugudbin xuduuda iyo madaxbanaanida dalka Soomaaliya.

Dowladda Puntland ayaa sheegtay talaabada ay ciidamada dowladda Itoobiya kusoo galeen magaalada Baladwayne inay u aragto fulinta war murtiyeed dowladdaha IGAD ay ku codsadeen bishii Nofembar ee sanadkii 2011 Itoobiya inay qayb ka noqota dagaalka ay ciidamada Kenya iyo AMISOM ka wadaan dalka Soomaaliya ee looga soo horjeedo kooxda Al-Shabaab.

Ugu dambeyntii qoraalka kasoo baxay dowladda Puntland ayaa waxaa lagu codsaday in si wadajir ah la isaga kaashado howlgalada kooxda Al-Shabaab looga xoreynayo deegaanada ay maamulaan.

Ciidamada Itoobiya oo gacansiinaya ciidamo katirsan dowladda faderaalka oo deegaankaasi ah ayaa todobaadkan la wareegay gacan ku haynta magaalada Baladwayne oo ay dagaal kula galeen kooxda Al-Shabaab.

Diiwaanka Wararka
Daljir Boosaaso.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: