Saraakiil ka tirsan ururka Al-Shabaab oo weerar cirka ah lagu dilay

Weerarka ayaa ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Kanjaroon, iyadoo ay fulisay weerarka  diyaaradaha aan duuliyaha lahayn

Sarkaal lagu magacaabo Bashiir Dheere oo ahaan jiray taliye ku xigeenka maleeshiyaadka Al-Shabab ee gobolka Jubada hoose iyo seddex sarkaal oo kale ayaa lagu dilay weerarkaasi.

Qoraal ka soo baxay xafiiska taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa lagu sheegay in afartan sarkaal lagu dilay weerar isdifaacid ahaa oo dhinaca cirka ah, kadib marki ay Al-Shabab weerar ku qaadeen ciidamada Soomaaliya iyo iyo la taliyeyaal Mareykan ah oo ku sugnaa duleedka magaalada Kismaayo.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com