Nuur Iidow Beyle oo ku guulaystay doorashadi Kursiga Xildhibaanimo ee Jowhar (dhegayso)

HomeWararka

Nuur Iidow Beyle oo ku guulaystay doorashadi Kursiga Xildhibaanimo ee Jowhar (dhegayso)

Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa lagu qabtay kursi kamid ah xildhibaanada Barlamaanka Somaaliya ,kaas oo ku tartamayeen ilaa lix mus

Amaanka Gaalkacyo iyo Diwaangalinta Gadiidka Dadweynaha (Daawo)
Lataliyaha Madaxweynaha Soomaaliya ee Arrimaha Carabta iyo Islaamka oo beeniyey warbixintii lagu daabacay wargayska Alwaddan (Daawo)
Maxaa looga hadlay kulankii Duqa Muqdisho & Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ?

Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa lagu qabtay kursi kamid ah xildhibaanada Barlamaanka Somaaliya ,kaas oo ku tartamayeen ilaa lix musharax oo qaar kamid ah siyaasada dalka qayb ka ah.

Musharixinta Tartamayaay Maanta ee jowhar ,waxaa kamid ahaa C/laahi Maxamed Cali Sambaloolshe Taliyihii hore ee NISA, Cali C/llaahi Cosoble Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle, Dahir Cabdulle Cawaale, Nuur Iidow Beyle, Dahabo Xasan Axmed iyo Xuseen Axmed Geelle.

Doorashada maanta ,waxaa ku guulaystay , Nuur Iidow Beyle oo kaga guulaystay C/laahi Maxamed Cali Sambaloolshe 27 cod ,halka Sambaloolshe uu helay 24 cod sidaas oo ay guusha ku raacday Nuur Iidow Beyle oo ku guulaystay kursiga Barlamaanka somaaliya ka banaana ee mid kamid ah beelaha jowhar daga.

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey) ayaa kaga dhawaqday doorashadda kursigaas.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: