HomeUncategorized

Ciidamada amaanka ee Boosaaso oo howlgalo amaan sugid ah wada.

Boosaaso,Dec,22 -Ciidamada amaanka ee dowladda Puntland ayaa wada howlgalo balaaran oo lagu sugayo amaanka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari oo habeenkii xalay uu ka dhacay qarax khasaare uu kasoo gaaray dad shacab ah.

DHEGEYSO=Barnaamijkii Saaka iyo Dunida iyo Cumar Laki Man.
Musharax Farmaajo oo war ka soo saaray weerarkii Hotel Dayax ee magaalada Muqdisho.
Xerada Jaziira oo Maanta Tababar loogu soo Xiray Saraakiil ka tirsan Dowladda Somaliya

Boosaaso,Dec,22 -Ciidamada amaanka ee dowladda Puntland ayaa wada howlgalo balaaran oo lagu sugayo amaanka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari oo habeenkii xalay uu ka dhacay qarax khasaare uu kasoo gaaray dad shacab ah.

Saraakiil katirsan laamaha amniga ee gobolka Bari ayaa u sheegay Radio Daljir howlgaladan inay yihiin kuwa ciidamadu ay kusugayaan amaanka,kadib markii xalay uu magaalada kadhacay qarax ay ku dhaawacmeen afar qof oo dad shacab ah.

Qaraxa ayaa kadhacay goob barkantorool ah oo ku taala isgoyska Xalwo Banaadir ee bariga magaalada Boosaaso,waxaana xiligaasi goobta ku sugnaa ciidamada amaanka oo baaritaano kuwaday gaadiidka adeegsada isgoyska Xalwlo Banaadir.

Ma cadda in ciidamada howlgaladaan ay dad kusoo qabteen iyo in kalle,hase ahaatee amaanka magaalada Boosaaso ayaa xiligaan ah mid aad u wanaagsan islamarkaana sihabsami leh uu uga socdo howlihii ganacsiga.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: