Xerada Jaziira oo Maanta Tababar loogu soo Xiray Saraakiil ka tirsan Dowladda Somaliya

Axad, Abriil 19, 2015 (Daljir) —Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Jen. C/qaadir Sh. Cali Diini, ayaa maanta tababar u soo xiray saraakiil tababar layli sarkaal ah dhameystay, waxaana munaasabadda oo ka dhacday xerada Jaziira ee duleedka Muqdishho ka qayb-galay, taliyaha ciidamadda XDS, Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) iyo saraakiil kale.

Jen. Diini ayaa intii uusan tababarka soo xirin wuxuu booqday taliska qaybta 12-ka Abriil ee ciidamadda xogga dalka, isagoo la kulmay taliyaha qaybtaan Jen. Maxamed Maxamuud Saneey oo uu kula dardaarmay in Qaranka loogu adeego si daacadnimo ay ku jirto.

Intaa kaddib wasiirku wuxuu ka qaybgalay xaflad tababar lagu soo xirayay saraakiil ka mid ah kuwa ciidamada xoogga, kuwaasoo dhowr bilood tababar ku soo qaatay dalka Uganda, iyadoo xerada Jaziiira lagu baray saraakiishan shuruucda iyo dhaqanka looga baahan yahay askariga Soomaaliyeed.

Taliyaha millateriga Somalia, jen. Daahir Indha-qarshe ayaa munaasabadda ka sheegay in ciidamada tababarka dhameystay lagu soo xulay shuruudo ay ka mid yihiin dabeecad-wanaag iyo aqoon, isagoo intaa raaciyay in xilligan ay Soomaaliya u jiheysatay sidii ay dalkeeda u dhisan laheyd, ciidamadana ay yihiin kuwii hormuudka u noqon lahaa dib u dhiska Somalia iyo sidii loogu soo dabaali lahaa dalka nabad iyo xasillooni.

Sidoo kale, wasiirka gaashaandhigga ayaa ciidanka tababarka dhameysatay si aad ah ugula dar-daarmay in tababarka ay qaateen ay shacabkooda iyo dalkooda ugu shaqeeyaan, isagoo ku boorriyay in howlgallada socda ay qayb lixaad leh ku yeeshaan.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com