Sodon Tahriibayaal oo ku geeriyooday xeebaha wadanka Yemen

HomeWararka

Sodon Tahriibayaal oo ku geeriyooday xeebaha wadanka Yemen

Kudhowaad sodon tahriibayaal ah ayaa ku geeriyooday dooni ay la socdeen oo ku dagtay wadanka Yemen oo ay dagaalo ay kasocdaan, sida ay sheegtay QM tah

Xulashada Daljir & Xaawo Axmed, Daljir Garoowe (dhegayso)
Xulashada Daljir iyo Maxamed Cabdi Maxamed Lakiman (Dhegayso)
Turkiga oo madaafiic ku garaacay dalka Ciraaq iyo Khasaare isugi jira Dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay

Kudhowaad sodon tahriibayaal ah ayaa ku geeriyooday dooni ay la socdeen oo ku dagtay wadanka Yemen oo ay dagaalo ay kasocdaan, sida ay sheegtay QM tahriibayaasha ayaa lala dhacay rasaas xiliga ay badda ay ku jireen.

Ku dhowaad 152 ruux oo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jiray ayaa la socday doonida oo ka tagtay koonfurta magaalada Cadan maalintii Talaadada kuna sii jeeday wadanka Jabuuti sida lagu sheegay qoraal ay si wadajir ah usoo saareen hay’addaha arrimaha qaxootiga qaabilsan ee QM.

 

“Doonida ayaa la rumaysanyahay inay si mukhalisnimo ah ay qaxootiga uga qaado wadanka Yemen, iyadoo geeynaysa wadanka Jabutuuti ayaa lagu sheegay qoraalka, waxaana la tuhunsanyahay rasaasta inay fureen kooxihii doonyaha watay lamana oga sababta.

Wadanka Yemen ayaa waxaa ka socda dagaalo ku qasbay dadka muwaadiniinta ah inay ka baxsadaan colaadda wadanka, sidoo kale waxaa saldhigtay kooxo ka ganacsada tahriibka oo ah shabakad caalami ah oo ku xiran kuwa wax tahriibiya ee caalamka.

Bishii Agoosto ee sanadkii hore dhowr qof oo Soomaali iyo Itoobiyaan ah ayaa ku geeriyooday xeebaha Yemen, kadib markii kooxaha dadka daabula ay ku qasbeen inay rakaabku ku dagaan biyaha badda.

Bishii March diyaarad Helicopter ayaa rasaas ku furtay dooni ay la socdeen inka badan 140 tahriibayaal xeebaha Badda Cas ee dalka Yemen, iyagoona dilay 42 ruux oo rayid ah.

Warbixin qarsoodi ah oo QM kasoo baxday ayaa muujinaysa inay weeraradaasi badankooda ay qaadeen isbahaysiga Sacuudiga uu hogaamiyo ee dagaalka kula jira Xuutiyiinta Yemen.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: