HomeUncategorized

Mudanayaal kusoo biiraay baarlamaanka Puntland oo lagu dhaariyay magaalada Garoowe.

Garoowe,Dec,17 -Laba mudane oo kusoo biiray golaha baarlamaanka ee Puntland islamarkaana badalaya xildhibaano katirsanaa baarlamaanka Puntland oo horay ugu geeriyooday siyaabo kale duwan ayaa maanta lagu dhaariyay kalfadhiga 27-ee golaha baarlamaanka Puntland oo si habsami leh uga socda magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

DHEEGEYSO-Khudbaddii 1da Aug uu kajeediyey Islaan Ciise Islaan Maxamed.
Golaha Degaanka Badhan oo la dhaariyay iyo dumarka oo tiradii ugu badnayd golayaasha degaanka Puntland.
DHEGEYSO-Barnaamijkii Caawa iyo Daljir iyo M CC Kooshin.

Garoowe,Dec,17 -Laba mudane oo kusoo biiray golaha baarlamaanka ee Puntland islamarkaana badalaya xildhibaano katirsanaa baarlamaanka Puntland oo horay ugu geeriyooday siyaabo kale duwan ayaa maanta lagu dhaariyay kalfadhiga 27-ee golaha baarlamaanka Puntland oo si habsami leh uga socda magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Labada mudane ee cusub ayaa kala ah Xidhibaan Cabdixkiin Macalin Daahir oo badali doona AUN xilhibaan Cabdiraxmaan Axmed Koodhaa oo 20-kii bishii September ee sanadkan lagu dilay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug,halka xildhibaanka kale ee cusub Cabduqaadir Maxamuud Cali uu isaguna badali doono AUN Cabdulaahi Cabdi Maxamed (Farasle) oo ku geeriyooday shilgaari oo kadhacay duleedka magaalada Gaalkacyo 13-kii bishii October ee sanadkan 2011.

Xildhibaanada cusub ayaa ku dhaartay inay ku dhaqmi doonaan diinta islamarkaana ay ilaalin doonaan dastuuqka iyo qawaaniin u dagsan Puntland.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: