Golaha Degaanka Badhan oo la dhaariyay iyo dumarka oo tiradii ugu badnayd golayaasha degaanka Puntland.

Badhan, Mar 20 – Golihii deegaanka ee degmada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag ayaa maanta la dhaariyey kaddib markii beelaha degmadaasi ay soo xusheen xildhibaannada golaha ee degmadaasi ay yeelanayso, kuwaasi oo maalmihii ugu danbeeyey lagu hawllana.

Mudanayaasha golaha deeegaanka ee maanta dhaariyey ayaa la tilmaamayaa in ay gaarsiisan yihiin illaa iyo 27 xubnood kuwaasi oo sagaal ka mid ah ay dumar yihiin, waxaana golahaani uu noqday golihii deegaan ee haween intaasi le’eg ay xubno ka noqdaan.

Inkasta oo sharciga golayaasha deegaanka ee Puntland oo qabo in xubnaha golaha deegaanka ee degmo walba 30% in ay dumar yihiin sharci ahaan marka loo fiirshana tani ay tahay mid lagu fariisiyey shacigaasi golayaasha. haddana waxaa la tilmaamayaa in ay tahay markii ugu horraysay oo la fuliyo xeerkaasi, waxaana suurtoobidda arintaan gacan-weyna ka gaystay wasaaradda hormarinta haweenka iyo arrimaha qayska Puntland oo ku dadaashay in haweenku ay u soo baxaan hanashada xilalka golaha deegaanka ee degmada Badhan.

Faaduma Jabriil oo la taliye u ah wasaaradda haweenka Puntland ayaa sheegtay in tallaabadan guusha ahi ay ka dambeeysay dadaal ay sameeyeen hogaanka wasaaradda kan khubarada iyo kan haweenka degaanka oo si dhab ah ula xisaabtamay cuqaasha degaanka. Faaduma waxa ay sheegtay in cuqaashi asalkii caqabad ku ahaayeen in howlahan oo kale lagu tallaabsado, waxayna sheegtay in ay gabdhihii ay yeeshaan xirfad ay kula xisaabtami karaan hogaanka dhaqanka.

Waxa lagu wadaa in gabdhuhu qaar u tartamaan hogaanka degmada. Doorashada hoggaanka golaha degaanka ayaa dhici doonta Subaxnimada Isniinta.

Halkan ka dhagayso waraysiga Faduma Jibriil oo dhamaystiran.

Diiwaanka Wararka,
Daljir http://daljir.com/

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com