Gubadle, Afhayeenka Ciidamada Daraawiishta Puntland: “Muuse Bixiyoow Laascaanood baa inoo ballan ah” (dhegayso+daawo)

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

Gubadle, Afhayeenka Ciidamada Daraawiishta Puntland: “Muuse Bixiyoow Laascaanood baa inoo ballan ah” (dhegayso+daawo)

Ciidanka daraawiishta Puntland ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadal shalay ka soo yeeray Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, kaas oo ahaa in Somaliland

Dib-u-dhaca dunida Islaanka iyo damiirka xanuunsanaya ee Soomaalida: Qaybtii 4aad (dhegayso)
Wararkii ugu danbeeyey ee Laascaanood, Goojacadde oo BM lagu garaacay & wararkii Guddiga Doorashada SSC
Madaxweyne Gaas: “Waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo waxa ay leedahay muhiimad gaar ah, mid dhaqaale iyo mid siyaasadeed” (dhegayso)

Ciidanka daraawiishta Puntland ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadal shalay ka soo yeeray Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, kaas oo ahaa in Somaliland  uu xuduudkeeda ku egyahay Garoowe.

Afhayeenka ciidanka daraawiishta Puntland Gaashaanle Sare Maxamuud Maxamed Axmed (Gubadle) oo maanta warfidiyeenka kula hadlay Garoowe ayaa jawaab ka bixiyay hadalkii shalay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo uu ku eedeeyay shaqsi fudud oo dagaal ooge ah, waxna aan ka baraney wixii dalku dagaal soo marey.

Gubadle ayaa sheegay in aysan isku darajo ahayn Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas iyo Muuse Biixi, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay labo korneyl yihiin isaga iyo Muuse Biixi, ayna tahay sababta uu hadda ugu jawaabayo.

Gaashaanle Sare Gubadle waxa uu hadalkiisa si raaciyey in ay Puntland guud ahaanba gacanta ku dhigi doonto gobalka Sool oo ay dib-u-sooceelin doonto Laascanood.

Hoos ka dhegayso

Halkan kadaawo Muqaalka

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: