Yaab Yaabkiis: Yaab Badanaa Maamulka Garoowe iyo Kan Gobolka Nugaal

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

Yaab Yaabkiis: Yaab Badanaa Maamulka Garoowe iyo Kan Gobolka Nugaal

Yaab Yaabkiisa! Maanta oo bisha Janaayo ay aheyd 1, sannadkuna yahay 2018, xarunta Radio Daljir ee Garoowe waxaa yimid guddoomiyaha gobolka Nugaal,

Farriin Siyaasadeed: “Waxaan qabaa welwel weyn in Puntland faraha ka sii baxayso, in ay faraha ka baxeyso Fadaraaliisimkii …” (dhegayso)
Korneyl Caarre, Somaliland: “Hubka waxaan u qaatay in aan suuliyo dulmiga iyo caddaalad-darrada Somaliland” (dhegayso)
Horukac mise Gadaal u gurasho: labo sano kaddib doorashada Madaxweyne Farmaajo.(Qormo)

Yaab Yaabkiisa!

Maanta oo bisha Janaayo ay aheyd 1, sannadkuna yahay 2018, xarunta Radio Daljir ee Garoowe waxaa yimid guddoomiyaha gobolka Nugaal, Cumar Cabdillaahi Faraweyne, Duqa caasimadda Garoowe, Xasan Maxamed Ciise (Goodir) iyo xoghayaha gobolka, kuwaasi oo watay ciidan hubeysan.

Ujeedada imaatin ee masuuliyiintu ay u yimaadeen xarunta Daljir Garoowe waxa ay ahayd in la aamusiyo dareenka shacabka caasimadda Puntland, lana cabburiyo fikirkooda, sidoo kalena la aamusiyo warbaahinta iyo madaxbannaanideeda soobandhig ee xaqiiqooyinka dhabta ee ka jira dadka iyo deegaankaba, siiba caasimadda Garoowe.

Haddii aad dhegaysateen, todobaadkii ugu dambeeyey Radio Daljir, siiba xarunta Garoowe waxa ay baahinaysay hal farriin oo la xiriirta dareenka bulshada caasimadda Garoowe ee xagga nolosha qutuldaruuriga ah, kirada guryaha la dego, goobaha ganacsiga, biyaha, korontada iyo dhulka bannaan, taas oo shacabku ay ku cabbirayeen aragtidooda ku aadan, ugana cabanayeen Garoowe in ay uga duwan tahay magaalooyinka kale ee dalka oo dhan, kana qaalisan tahay, iyaga oo fikirkooda u soo bandhigay si hufan oo aan turxaan laheyn.

Fikirkooda bulshada caasimaddu cabbireen, kuna muujiyeen tabasho qabistooda qaaliga la xiriirta, waxa ay keentay in maamulka gobolka iyo midka degmadu ay ka caroodaan dareenka bulshada ay xukumaan, maamulkana u yihiin, si toos ah iyo si dadbanna u amraan Radio Daljir in la joojiyo farriinta bulsho ee ka hadlaysa xaqaa’iqa nolosha iyo hoyga magaalada Garoowe, lana aamusiyo dareenka shacabka si aysan uga hadlin naftooda iyo noloshoodu waxa ay tabaneyso.

Waa xaajo ugub ah, waa arrin laga xishoodo, waana wax aan sifo sharci ku salaysnayn, nidaamka maamulka gobolka iyo midka degmaduna ku doonayaan in ay ku aamusiyaan aragtida saxda ah ee bulshada caasimadda, taas oo ah mid aan waxdhimaal ku ahayn dhanna, balse ku salaysan cabbirid dareenkooda ah iyo cabasho muujin oo kaliya.

Haddii aan idiin sii jilciyo, Radio Daljir ahaan labo ujeeddo ayaan ka lahayn curinta farriinta iyo barnaamijyada dabasocday. Waa midda koowaad e waxa ay ahayd magaalada Garoowe in ay hesho shacbiyad ballaaran, kana faa’idaysato nabadda buuxda ee ka jirta, ayna noqoto magaalo ummad badan soojiidata, kasbatana, taasna waxaa lagu heli karaa in ay noqoto magaalo nolosha qutuldaruuriga ah iyo deegaanka loo hoydaba kalamid ah magaalooyinka kale.

Ujeeddada labaad ee Radio Daljir farriintaas iyo barnaamijyada farriinta u sameeyey waxa ay ahayd kobcinta magaalada iyo sidii ay u fidi lahayd magaaladu, una ballaaran lahayd, ulana tartami lahayd caasimadaha kale ee dalka iyo waddamada dariska ahba, taasi si ay u gaartana loo baahanyahay in wax laga baddelo dhulka qaaliga ah ee caasimadda Puntland, kaas oo ay adagtahay in la iibsado, curyaamiyeyna ballaarashadii magaalada. Taasna waxaa daliil u ah oo aad wada ogtihiin in Garoowe oo caasimad ah 20 sano, ahna mid kamid ah magaalooyinka ugu amnisan Soomaaliya oo dhan in uusan gaarsiisnayn ballaceedu 5km dhan kasta, waxaana sidaas u galay oo ay u kori wayday magaaladu waa dhulkeedii ayaan la iibsan karin.

Haddaba waa kaaf iyo kaladheeri aragtida maamulka iyo sida ay u dhadhansadeen farriinta dareenka shacabka iyo ujeedada ay u dhisantahay farriintu, ugana xaqiiqo warramayso waaqiciga jira ee caasimadda, si caasimaddu hormar u gaarto.

Hoos ka dhegayso “Fariinta Nolosha Garoowe”

 

Cabdifataax Cumar Geeddi | Tafaftiraha Guud ee Radio Daljir

……………………………………………………..

Qoraalka kore ee Cabdifataax Cumar Geeddi waxa uu markii hore ku soo baxday booggiisa gaarka ah ee Facebook ama Wajibuug: https://www.facebook.com/abdifatahomar.geddi

……………………………………………………..

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: