HomeUncategorized

Wasaaradda Qorshaynta Puntland oo soo saaraysa sharci haga mashaariicda gargaarka iyo horumarinta ee laga fulinayo Puntland.

Caption ...

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland oo kulan la qaatay wafti ka socdey qaramada Midoobey
Warbixin ku saabsan xaaladda dhaqan, dhaqaale, waxbarasho, caafimaad iyo midda ammaan ee Buutinle.
M/weyne Faroole oo bogaadiyey ciidanka amniga ee Puntland & dhaleeceeyeyna warbixino laga qoray Puntland.

Garowe, Oct 02 – Wasaaradda qorshaynta iyo xariirka caalamiga ee Puntland ayaa soo bandhigtay sharci siyaasadeed ku aadan qiimaynta iyo dabagalka hay’adaha kala duwan eek a hawlgal deegaannada Puntland.

Sharcigaan cusub ee ay soo bandhigtay wasaaradda qorshaynta iyo xariirka caalamiga ee Puntland ayaa ah mid lagu dhaqi doono hay?adaha kala duwan sida hay?ada dawladda, kuwa caalamiga ah iyo waliba kuwa maxalliga ahba, waxaana dejinta sharcigaan gacan ka siiyey Puntland soo saristiisa hay’ada UNDP.

Agaasimaha wasaaradda qorshaynta iyo xariirka caalamiga ee Puntland Faysal Siciid Dheere, oo saxaafadda u soo bandhigay nidamaad-sharaciyeedkaan cusub ayaa sheegay in qorshahaan la horgayn doono golaha wasiirrada Puntland oo dib u eegid ku samayn doona kaddibna loo gudbin doono golaha baarlamaanka. Sharcigan ayaa haddii la meelmariyo noqon doona mid wax badan ka baddali doona howlaha la xiriirka qorshaynta arrimaha gargaarka iyo horumarinta ee sannad waliba laga fuliyo Puntland, waxana la filayaa in uu meesha ka saaro isku dheellitiraanta mararka qaar lagu eedeeyo hay’adaha qaabilsan arrimaha gargaarka iyo horumarinta.

Agaasimaha Qorshaynta ayaa isaga arrintaa ka hadlayay muujiyay muhiimadda sharcigan waxana uu sheegay in haddii la hirgaliyo nidaamkan lagu ogaan karo, laguna qorshayn karo dhammaanba mashaariicda laga fulinayo deegaannada Puntland.

Cabdiraxmaan Xuseen Xasan ?Gaardi?
Daljir Garoowe.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: