Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo fah faahiyaay Xarigiisi (dhegayso)

HomeWararka

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo fah faahiyaay Xarigiisi (dhegayso)

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ahna gudoomiyaha Xisbiga Wadajir ayaa markii ugu horeysay faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay weerarkii C

Xidigaha Geeska oo loo Xirxiray Deyn $45,000 oo lagu Yeeshay (daawo)
Caawa & Daljir iyo c.xakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)
Warka Fiidnimo iyo Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ahna gudoomiyaha Xisbiga
Wadajir ayaa markii ugu horeysay faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay
weerarkii Ciidamo ka tirsan Nabad sugida Soomaaliya ku qaadeen Hoyga
uu ka degan yahay Muqdisho.

Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay Xarunta Xisbiga Wadajir ee Muqdisho
Xilli ay Hareerihiisa ay fadhiyeen qaar ka mid ah Madaxda Xisbiga ayuu
sheegay in lagu soo qaaday weerar socday mudo nusa-saac ah isla
markaana weerarku uu ahaa mid lagu fashilmay.

Sidoo kale wax uu sheegay in dhammaan madaxda dalka sida madaxweyne
Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare kheyre ay weerarkaas masuulka ahaayeen
lana doonayay in la khaarajiyo sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu ku eedeeyay madaxda Qaranka in ay tacadi kula kaceen ehelada
dadkii lagu dilay Hoygiisa oo ilaaladiisa ka mid ahaa loona diiday in
ay aasaan taas bedelkeedana aan la’isga hari doonin.

Dhanka kale waxa uu sheegay in maalmahaan uu maqlayay Culumo
sameynayay fadwo ama dhiigeena xalaaleynayay,kuwaas oo ku baaqayay in
Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta guryahooda loogu tago taasna ay qeyb
ka aheyd weerarkii laguna soo qaaday ayuu yiri.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in xiligaan wixii ka dambeeya dhibaatadii
gaarta in ay masuul ka yihiin madaxda dowaladda gaar ahaan Madaxweyne
Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: