Maxkamadda gobolka Banaadir oo siidaysay Cabdiraxmaan Cabdishakuur

HomeWararka

Maxkamadda gobolka Banaadir oo siidaysay Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa siidaysay siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah mucaaradka dowladda faderaalka ee Soomaaliya. Siy

PUNTLAND OO DAAHFURTEY QEYBTA MANHAJKA DUGSIYADA HOOSE (DAAWO)
Qarax Ka Dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose
Barlamaanka somaaliya oo ka hadlay xiisad ka taagan Galgaduud

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa siidaysay siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah mucaaradka dowladda faderaalka ee Soomaaliya.

Siyaasiga ayaa laga qabtay howlgal laba habeen kahor kadhacay magaalada Muqdisho, iyadoona lagu dilay shan ka mid ah ilaaladiisa.

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa sheegtay kadib markii xeer ilaalinta ay ku guul daraysatay cadaymo la xiriira eedda Cabdiraxmaan Cabdishakuur muddo 24saac gudahood ah lasiidaayay wax dambi ahna lagu waayay.

Xeer ilaalinta ayaa horay ugu eedaysay qaran dumis, siyaasigan ayaa horay usoo noqday wasiirka qorshaynta iyo xiriirka caalamiga xukuumaddii Shariif Sheekh Axmed, waxaana uu ka mid ahaa musharixiintii u tartamay doorashadii madaxtinimo ee sanadkan kadhacday magaalada Muqdisho.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: