Dowladda Canada oo toban Milyan oo doolar ku caawinaysa Soomaaliya

HomeWararka

Dowladda Canada oo toban Milyan oo doolar ku caawinaysa Soomaaliya

Dowladda Canada ayaa walaac xoogan ka muujisay xaalad banii'adanimo ee Soomaaliya, waxaana ay ku baaqday caawimaad caalami ah oo Soomaaliya loo fidiyo

Wasiirka Amniga Puntland oo Ku Baaqay In Ammaanka Laga Wada Shaqeeyo (DHEGAYSO)
Midowga Yurub oo soo dhoweeyay wadahaddalka Soomaaliya iyo Somaliland
Caawa & Daljir iyo Cabdifataax Cumar Geeddi, Daljir Garoowe (dhegayso)

Dowladda Canada ayaa walaac xoogan ka muujisay xaalad banii’adanimo ee Soomaaliya, waxaana ay ku baaqday caawimaad caalami ah oo Soomaaliya loo fidiyo si wax looga qabto baahida aasaasiga ah ee malaayiinka qof ee Soomaalida ah inay soo wajahaan gaajo, cuduro, barakac, ammaan xummo iyo heerkooda nololleed oo aad hoos ugu dhacda.

Wasiirka jinsiyadda,  qaxootiga iyo arimaha socdaalka ee Canada Axmed Xuseen oo la kulmay qaar ka mid ah bulshada magaalada Etobicoke ee gobolka Ontario ee dalka Canada ayaa ayaa ka hor sheegay Canada inay ku caawinayso gargaarka banii’aadantinimo iyo caawimaad loo fidiyo bulshada nugul ee Soomaaliya gargaar dhan 10-milyan oo doolar.

Waxaa uu sheegay gargaarka inay usoo marinayaan barnaamijka cuntada adduunka ee WFP, UNICEF, barnaamijka horumarinta QM iyo gudiga qaxootiga ee Mareykanka si’ ay wax uga qabtaan baahiyaha jira ee ka dhashay abaaraha Soomaaliya.

“Inkasta oo ay Soomaaliya sanadahan dambe ay qaaday talaabooyin waawayn oo dhanka nabadda iyo xasiloonida ah hadana wali waxaa ku jiraa xaalad u nugul musiibooyinka dabiiciga iyo qilaafaadka, Candana waxaa ay u taagantahay inay garab istaagto midnimada iyo baahiyaha gargaarka ee ay u baahanyihiin malaayinka Soomaalida ah” ayuu yiri wasiir Axmed Xuseen.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: