Gaalkacyo: Waddooyin kuxirmay dagaalada oo dib loo furay

HomeWararka

Gaalkacyo: Waddooyin kuxirmay dagaalada oo dib loo furay

Waxaa maanta dib loo furay wadooyin ku yaala magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug oo ku xirmay dagaalo horay u dhexmaray dhinacyo kasoo kala

Caawa & Daljir iyo Maxamud Cabdi Ibrahim, Daljir Bossaso (dhegayso)
Puntland oo Midowga Yurub kala hadashay ka hortagga Kalluumaysiga sharci darrada
Warka Fiidnimo iyo Fadxi Aadan Cismaan, Daljir Bossaso (dhegayso)

Waxaa maanta dib loo furay wadooyin ku yaala magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug oo ku xirmay dagaalo horay u dhexmaray dhinacyo kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug.

Furitaankan ayaa yimid, kadib socdaal wafdi uu hogaaminayo taliyaha ciidamada militariga ee dalka Abshir Jaamac Gorod oo soo gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Madaxwaynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo masuuliyiin katirsan maamulka Puntland ayaa ka qaybgalay furitaankii waddooyinka ku xirmay dagaalada.

Dhanka kalle warar goor dhowayd soo gaaray radio Daljir ayaa sheegaya in madfac uu ku dhacay xaafad ka mid ah waqooyiga magaalada Gaalkacyo, lamana oga khasaaraha kadhashay iyadoo uu ku dhacay gurri ay dad shacab ah ay daganyihiin.

COMMENTS

WORDPRESS: 1
DISQUS: