Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa Tacsi u direy Ehellada Askartii ku geeriyootay Dugsiga Tababarka Booliska ee Jen. Kaahiye

HomeWararka

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa Tacsi u direy Ehellada Askartii ku geeriyootay Dugsiga Tababarka Booliska ee Jen. Kaahiye

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa tacsi u direy ehellada askartii geesiyaasha ahaa ee naftooda ku w

Madaxweyne Muuse Bixii oo la kulmay Wafdi kasocda Ugandha (Sawiro)
Dibad-bayo lagu taageerayo doorashadii Qoor-qoor oo ka dhacaya Cadaado iyo Dhuusamareeb
Saaka & Dunida iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim (MCI), Daljir Bossaso (dhegayso)

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa tacsi u direy ehellada askartii geesiyaasha ahaa ee naftooda ku waayay falkii argagixiso oo saakay ruux naftii halige ah uu ku qaaday xarunta Akaadeemiyada Booliska ee Jen. Kaahiye. Waxuuna Weerarkaas ku tilmaamay mid naf la caari ah oo kooxaha nabadda kasoo horjeeda ku bartilmaameed sadeen goob ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan Booliska.

“Waxaan tacsi u dirayaa qoysaska iyo ehellada askatii shahiiday, waxaana leeyahay allaha u naxariisto inta dhaawaca ahna waxaan u rajaynayaa inay ka soo kabtaan dhaawacan, Dawladduna xil ayay iska saari doontaa daryeelka kuwa dhaawacmay, waxaa kaloo ay dawladdu damaanad qaadaysaa gacan siinta qoysaska ay ka shihiideen askatu.”Ayuu yiri RW Khayre.

Mudane Khayre ayaa xusay in weerarkan uusan marnaba ka weecin doonin dadaalka loogu jiro dib-u-dhiska Soomaaliya xasilloon oo sharcigu sareeyo si dadkeenu nabad iyo cizi ugu noolaadaan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: