Qaadka oo saamayn xoogan ku haya bulshada iyo dhaqaalaha Puntland (dhegayso)

HomeWararka

Qaadka oo saamayn xoogan ku haya bulshada iyo dhaqaalaha Puntland (dhegayso)

Dowladdaha  Kenya iyo Itoobiya ayaa malaayiin doolar ka hela qaadka ay u iibkeenaan Soomaaliya, waxaana ay sii laba jibaareen ka badan qaadkii horay l

Maxaa looga hadlay Shirkii Golaha Wasiiradda Koonfur galbeed?
CAAWA IYO DALJIR HASSAN BASHE GARAWE (DHEGAYSI WACAN)
Saaka Iyo Dunida & Cabdinaasir Jekey, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)

Dowladdaha  Kenya iyo Itoobiya ayaa malaayiin doolar ka hela qaadka ay u iibkeenaan Soomaaliya, waxaana ay sii laba jibaareen ka badan qaadkii horay loo keeni jiray Soomaaliya kadib markii dowladda Ingiriiska ay joojisay qaadka in wadankeeda la geeyo.

Puntland ayaa waxaa ay ka mid tahay gobolada Soomaaliya ee subax walba loo daabulo qaad qiimahiisa ka badan shan milyan oo doolar, iyadoo hadana ay soo badanayaan saamaynta dhibeed uu ku hayo bulshada.

Hadaba Deeqo Bashiir Maxamuud oo katirsan Daljir Bosaso ayaa booqatay suuq lagu iibiyo qaadka oo ku yaala Bosaso laguna magacaabo maqsinka qaadka, waxaana ay waraysatay qaar ka mid ah dadkii iibinayay iyo kuwii iibsanayay oo dareen ahaan ku faraxsaneen ka ganacsiga iyo isticmaalkiisa toona.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: