Waraysi: Madaxweyne Gaas oo Soo dhaweyaay Xalintii Issimadda Puntland ee Muranka Dekadda Boosaso (dhegayso)

HomeWararka

Waraysi: Madaxweyne Gaas oo Soo dhaweyaay Xalintii Issimadda Puntland ee Muranka Dekadda Boosaso (dhegayso)

Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo Caawa Waraysi sinayay Radio Daljir ayaa ugu horeyn ka hadlay Shirkii Amniga Qaranka ee kusoo d

Ururka Dhalinyarada Qardho ee Bulsho Kaab oo Kawarbixiyaay Waxqabadkoodi (dhegayso)
XULASHADA DALJIR | FAADUMO DEGGAN DAAHIR | BOSAASO 31-JULY-2022
Cadaado iyo Caleemosaarka Madaxweyne Xaaf

Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo Caawa Waraysi sinayay Radio Daljir ayaa ugu horeyn ka hadlay Shirkii Amniga Qaranka ee kusoo dhamaaday Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Shirkaas uu si wanaagsan Kusoo dhamaaday,isago sheegay in is Afgarad iyo Guul uu kuso dhamaaday shirkaas,isla markaana la isla af gartay isku dhafka Ciidamadda.

Madaxweyne Gaas ayaa sido kale Waraysiga Caawa uu siyaay Radio Daljir kusoo dhaweyaay Heshiiskii Issimadda Puntland Hormuudka ka ahayeen ee kadhacay Boosaaso,isago sheegay in Issimadda ay iyagu yihiin kuwii dalka dhisay,isla markaana yihiin issimadda kuwo hormarka ka qayb qaadanaya.

Dhinaca kale wuxuu kaga jawaabay Su’aal la weydiyaay oo ahayd in Heshiiska ay Puntland la gashay DP Word lasoo bandhigo ,isago sheegay in aysan awalba jirin wax qarsoodi ah ,isla markaana Barlamaanka loo gudbiyaay Heshiiskaas ayna ansixiyeen.

Gaas ayaa ugu dambeyn kajawaabay Xulitaanka Barlamaanka Puntland oo Garowe ka bilowday,isago sheegay in uusan waxba kala socon xulitaanka iyo Guddiga khilaafadka ee la magacaabay.

Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Waxaa Caawa Waraystay Wariye Jamaal Faarax Aadan

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: