Madaxwaynaha Puntland oo balanqaad u sameeyey cayaartooyda Puntland ee Muqdisho (sawiro)

HomeWararka

Madaxwaynaha Puntland oo balanqaad u sameeyey cayaartooyda Puntland ee Muqdisho (sawiro)

Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo masuuliyiin katirsan dowladda faderaalka Soomaaliya ayaa xalay xaflad casho sharaf ah u sameeyey

HOGAAMINTA DALKA MADAXWEYNE FARMAAJO SHANSANO KADIB SIDEE AYAY U ARKAAN SHACABKA CAASIMADA
Waxgaradka degmadda Ufayn oo soo dhaweyeey shirka Muqdisho
Dowladda Soomaaliya oo Hal Milyan ugu deeqday Gurmadka Qardho (Daawo)

Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo masuuliyiin katirsan dowladda faderaalka Soomaaliya ayaa xalay xaflad casho sharaf ah u sameeyey ciyaartoyda Puntland ee ka qaybgalaysa koobka kubadda cagta ee dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee kasocda magaalada Muqdisho.

Madaxwaynaha Puntland ayaa ku dhiiri geliyay dhalinta matalaysa Puntland inay guul wax ku ool ah ay kala soo hoydaan koobkan.

Madaxwaynaha Puntland ayaa u balanqaaday cayaartoyda Puntland inuu hormarin doono garoomada kubadda cagta ee Puntland oo la saari doono roogga cagaaran, tababaro ay heli doonaan iyo wixii garab ah oo ay dowladda uga baahdaan.

Waxaa uu rajo ka muujiyay koobkan inuu qayb ka qaato sidii dhalinta Soomaaliyeed ugu midoobi lahaayeen ka saaridda dhibaatooyinka daashaday dalka Soomaaliya.

Koobka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee Soomaaliya oo shalay furmay ayaa waxaa isku arkay cayaartii koowaad kooxaha Banaadir iyo Jubaland, waxaana 2-1 ku badiyay xulka kubadda cagta ee Banaadir.

Hoos kadaawo sawirada

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: