Guddoomiyaha Barlamaanka Somaaliya Jawaari oo la kulmay Micheal Keating

HomeWararka

Guddoomiyaha Barlamaanka Somaaliya Jawaari oo la kulmay Micheal Keating

Guddoomiyaha golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa xarunta guddoonka iyo guddiyada ee

Fadhigii saddexaad ee dhagaysiga galdacwadeedka Jamac Ahmed Yuusuf iyo Liiban oo dil ku eedeysan.
Beesha caalamka oo war kasoo saartay heshiiskii ay gaareen Dowlada Federalka iyo Midowga Musharaxiinta (Akhriso)
Warka DDM iyo Maxamed Lakiman (Daawo)

Guddoomiyaha golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa kulan kula qaatay wakiilka Ergayga gaarka ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Micheal Keating iyo Madax ka socotay Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay ee UNDP qeybta taageerta Baarlamaanka Soomaaliya.

kulanka ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin sidii Qaramada Midoobay ay usii xoojin laheyd taageerada ay siiso Soomaaliya iyo kordhinta mashaariicda ay ku taageerayaan Baarlamaanka Soomaaliya.

sidoo kale waxyaabaha inta kulanka uu socday aad looga hadlay waxaa ka mid ah ka qeyb qaadashada dadaalka Dowladda Soomaaliyeed ay wado oo ku aadan la socodka ,hir gelinta iyo sidoo kale dhameystirka Dastuurka Dalka dadaalada ay beesha caalamka ku bixin karto si kaalinta beesha caalamka iyo taageeradeedaba ay meesha uga muuqdaan, sida uu kulanka ka dib warbaahinta Qaranka u sheegay Xoghayaha guud ee golaha shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi Buux.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: