Wasiirkii sadexaad oo iska casilay Hirshabelle

HomeWararka

Wasiirkii sadexaad oo iska casilay Hirshabelle

Wasiiru dowlihii arimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Hirshabeelle Yuusuf Cali Cilmi ayaa sheegay inuu iska casilay xilkii uu dhowaan uu magacaabay m

Taliyihii Saldhiga bartamaha ee Gaalkacyo oo qarax ka bad baaday (dhegayso)
Madaxweyne Axmed Madoobe & Saraakil maraykan ah oo kawada hadlay dagaalka Alshabaab (Sawiro)
Saaka & Dunida iyo Khadar Cawl Ismaaciil, Daljir Garoowe (dhegayso)

Wasiiru dowlihii arimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Hirshabeelle Yuusuf Cali Cilmi ayaa sheegay inuu iska casilay xilkii uu dhowaan uu magacaabay madaxwaynaha Hirshabelle.

Qoraal uu soo dhigay boggiisa Facebooka ayuu ku sheegay inuu isku casilay arimo shaqsi oo isaga u gaar ah.

“Waxaan iska casilay xilka Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee dowlad goboleedka Hirshabeelle arrimo shaqsi awgeed”ayuu yiri Yuusuf Cali Cilmi.

Wasiiru dowlayaashii boostada iyo isgaarsiinta iyo amniga ayaa sidoo kale kal hore iska casilay wasiirada Hirshabelle ee 57-da xubnood ee madaxwayne Cabdifitaax Maxamed Waare uu ku dhawaaqay, waxaana ay ku sheegeen inay xilalkaasi diyaar u ahayn inay qabtaan.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: