Madaxweyne Axmed Madoobe & Saraakil maraykan ah oo kawada hadlay dagaalka Alshabaab (Sawiro)

Madaxweyne Axmed Madoobe & Saraakil maraykan ah oo kawada hadlay dagaalka Alshabaab (Sawiro)

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) Madaxweynaha Dowlada Jubaland ayaa kulan la qaatay Sarakiisha Ciidamada Mareykanka ee ka howlagala Jubaland.

Kulankan oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada waxaa Madaxweynaha ku wehelinayay Sareeye guuto Maxamed Cabdi Sheekh Taliyaha guud ee Ciidamada Jubaland iyo Gaashanle sare Maxamed Guuleed Xasan Taliye ku xigeenka Ciidamada Jubaland.

Kulankan waxaa lagaga hadlayay sidii loo xoojin lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyadoo iskaashi buuuxa laga samaynayo sidii loo dardar galin lahaa howlgalada ka dhanka ah Argagixisada.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com