Rabshado kadhacay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer

HomeWararka

Rabshado kadhacay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer

Wararka ka imaanaya magalaada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ee Somaliland ayaa sheegaya rabshado inay ka dhaceen magaalada kadib markii ay iska ho

Saaka & Dunida iyo Cabdifataax Cumar Geeddi, Daljir Muqdisho (dhegayso)
MAXAA TODOBAADKAN LOOGA HADLEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA PUNTLAND (SAWIRO)
Saaka & Dunida iyo Cabdixakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe ( dhegayso)

Wararka ka imaanaya magalaada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ee Somaliland ayaa sheegaya rabshado inay ka dhaceen magaalada kadib markii ay iska horyimaadeen taageerayaasha xisbiyada Kulmiye iyo Wadani ee ku loolamaya doorashooyinka Somaliland.

Rabshadaha oo goor dhowayd bilowday ayay wararku sheegayaan inay saameyn ay ku yeesheen dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo gaadiidka, waxaana jira khasaare kadhashay oo hanti iyo dhaawacyo ay ka mid yihiin.

“Rasaas ayaa dhacaysa waxaana la jaray korontadii magaalada iyo layrarkii ka daarnaa waddooyinka magaalada” ayuu yiri goob jooge kusugan magaalada  Burco oo la hadlay radio Daljir.

Ciidamada booliska ayaa la tacaalaya xakamaynta rabashadahaasi kasocda magaalada Burco.

Waxaa ay imaanayaan iyadoo wali aan lagu dhawaaqin natiijada doorashooyinkii dhacay marka laga reebo hadal hayn soo baxaysa Xisbiga Kulmiye inuu ku horeeyo doorashada iyo cabashooyin kasoo baxaya Xisbiga Mucaaradka ee Wadani oo joojiyay wadashaqayntii uu la lahaa guddiga doorashooyinka ee Somaliland.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: