Mareykanka oo sheegay duqayn inuu ku dilay dagaalamayaal katirsan Al-Shabaab

HomeWararka

Mareykanka oo sheegay duqayn inuu ku dilay dagaalamayaal katirsan Al-Shabaab

Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa sheegay duqayn xagga cirka oo ay ka fuliyeen Soomaaliya inay ku dileen dagaalamayaal katirsan Al-shabaab oo ku su

Puntland oo dib u fasaxday isku socodkii Wadada Xiriirisa Garowe iyo Laascanood (dhegayso)
Xildhibaanada Hiirshabeele oo beeniyay in askar ay la wareegeen Xarunta Baarlamaanka Hirshabelle
Ciidamada Xoogga Puntland oo cudooda kusoo bandhigay xuska sannad guurada 25aad ee asaaska Puntland.

Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa sheegay duqayn xagga cirka oo ay ka fuliyeen Soomaaliya inay ku dileen dagaalamayaal katirsan Al-shabaab oo ku sugnaa deegaan ka mid ah gobolka Baay oo magaalada Muqdisho ujirta 160-KM.

Duqayntan ayay sheegeen taliska Mareykanka inay fuliyeen diyaaradahooda kuwa dagaalka kuwaasi oo ay sida ay yiraahdeen la beegsaday xubno katirsan Al-shabaab oo goobta ku sugnaa.

Waxaa ay duqaynta ku dhacday wada shaqayn dhexmartay ciidamada sida gaarka u tababaran ee Soomaaliya iyo Mareykanka sida lagu yiri bayaan kasoo baxay AFRIKOM.

Mareykanka ayaa kordhiyay duqaymaha ku qaado Al-shabaab kadib markii uu amray madaxwaynaha Mareykanka Trump in la beegsado goobaha Al-shabaab ay ku suganyihiin, waxaan wargayska The Long War Journal uu sheegay inay dhaceen 15-duqayn oo kadhan ah Al-shabaab tan iyo markii xilka uu la wareegay Trump.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: