Ciidamo AMISOM katirsan oo la geeynayo Magaalada Cadaado

Ciidamo AMISOM katirsan oo la geeynayo Magaalada Cadaado

Boqolaal Askari oo ka mid ah Ciidamada Dalka Jabuuti ayaa la xaqiijiyay in ay dhawaan soo gaari doonaan Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG,ka ah ee Maamulka Galmudug.

Ciidamadaan oo ka mid ah holwgalka Midowga Afrika ee AMISOM, ayaa sida la sheegay waxaa dalbaty xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ciidamadan oo ka mid ah Saktarka 5,aad ee Ciidamada Jabuuti ayaa waxaa tababar u socday mudo loogu soo xiray gudaha dalkaas kuwas oo intas ka dib u soo duuli doona Soomaaliya.

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Jabuuti Generaal Zakariye Sheekh Ibraahim ayaa sheegay in Ciidamadaan loogu talo galay in la geeyo Magaalada Cadaado kadib codsi ka yimid Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com