HomeUncategorized

QM oo hub iyo gaadiid ciidan siinaysa AMISOM.

Caption ...

DHAGAYSO:Barnaamijkii Saaka iyo Dunida_Sabti_12
Madaxweyne Gaas oo Gaalkacyo ku Daah-Furay Sunduuqa Horumarinta Gobolka Mudug
Madaxweynaha Puntland oo Martiqaad khaas ah loogu sameeyay Kismaayo

Muqdisho, 29 May – Taliska ciidamada AMISOM ee Muqdisho ayaa sheegey in ay Qaramada Midoobay dhawaan ciidamadooda soo gaadhsiinayso hub iyo gaadiid ciidan.

Taliayaha AMISOM ee Soomaaliya Gen Nethon Magisha ayaa sheegey in ay Qaramada Midoobay bogaadisay horumarka ciidan ee ay dagaalka Muqdisho ka sameeyeen, isla markaana ay ugu deeqday hub iyo gaadiid ciidan oo dhawaan Muqdisho lagu wado in ay soo gaadhaan.

Gen Magisha waxa uu sheegey in ay imika helayaan ciidamadoodu bogaadimo ku aaddan weerarada ay ku beegsanayaan goobo fadhiisimo u ah Al-Shabaab, kuwaas oo uu sheegey in aanay ka baaqsan doonin illamaa ay yoolka dagaal ee ay higsanayaan ay xaqiijiyaan.

AMISOM dhawaan ayay saanad ciidan ka heshey dalka Jarmalka oo ka mid ah waddamada midowga Yurub ee taageera hawlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Adam Shardi Axmed
Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: