Madaxweynaha Puntland oo Martiqaad khaas ah loogu sameeyay Kismaayo

Axad, September 13, 2015 (Daljir) — Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 13-9-2015 magaalada kismaayo kaga qayb galay quraac sharafeed ah oo uu Madaxweynaha Jubba-Land Axmed Maxamed Islaan u sameeyey Madaxdii kalasoo qayb gashay munaasibadiisii caleemo saarka.

Munaasibadda ayaa ahayd mahadcelin uu madaxweynaha Jubba-land uga mahadcelinayo Madaxdii sida  meeqaamka saraysa ugalasoo qayb galay xafladdiisii caleema saarka madaxtinimada Jubba-land ee afarta sanno ee soosocota.

Intaasi kadib Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirshiid Sharma’arke ayaa kulan ay kuyeesheen aqalka madaxtooyada Jubb-Land waxay ku go’aamiyeen in 20ka bishan  September laqabto shirweyne looga tashanayo aayaha siyaasadda Soomaaliya  iyo hannaanka doorashada dalka ee 2016.

Waxyaabaha diiradda lagu saaridoono shirkan lagu dhawaaqay waxaa kamid noqon doona arrimaha Dhammaystirka nidaamka federaalka ah ee dalka, qaabka ay noqon doonto doorshada dalka kadhici doonta sannadda 2016 iyo Arrimo kale oo laxidhiidha aayaha siyaasadeed ee dalka.

 

 

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com