Mareykanka oo 4 Soomaali ah kala laabanaya sharciga

HomeWararka

Mareykanka oo 4 Soomaali ah kala laabanaya sharciga

Waaxda Caadaaladda ee Mareykanka ayaa sheegtay inay baaritaan ku bilowday afar ruux oo Soomaali ah oo lagu soo eedeeyey inay document been ah kusoo ga

Madaxweyne deni oo sheegay inay diyaar u yihiin wadahadal inay la galaan DFS (Daawo)
Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo Alshabaab ka xoreeyay deegaanka Galcad ee gobolka Galgaduud
Warka Fiidnimo iyo Xasan Heykal Bosaaso (dhegayso)

Waaxda Caadaaladda ee Mareykanka ayaa sheegtay inay baaritaan ku bilowday afar ruux oo Soomaali ah oo lagu soo eedeeyey inay document been ah kusoo galeen wadanka Mareykanka muddo toban sano kahor.

Afarta qof ayaa magacyadooda lagu sheegay Fowsiyo Cabdi Adan, Axmed Maxamed Warsame, Mustaf Cabdi Adan iyo Feysal Jaamac Mire.

Fowsiyo Cabdi Adan ayaa lagu eedeeyey inay wadanka Mareykanka ay kusoo galisay inuu ninkeedu yahay Axmed Maxamed Warsame, ayna carruurteeda yhiin Mustaf Cabdi Adan iyo Feysal Jaamac Mire oo markii dambe la’ogaaday inaysan dhalin.

Waaxda Cadaaladda Mareykanka ayaa laga soo xigtay Axmed Maxamed Warsame inuu qiray inay xaaskiisa noqon balse uu kusoo galay dalka Mareykanka, labada wiil ee ay Fowsiyo kusoo galisay inay iyado dhashay ayaa ilmo adeer ay ahaayeen Axmed Maxamed Warsame.

Haddii dambiga uu ku cadaado ayaa waxaa suurtagal ah inay waayaan sharciga ay haysteen, dibna wadankooda loogu soo celiyo.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: