Meydka Naciima oo ahayd Gabar la Baadi goobayeey  oo laga helay Australia

HomeWararka

Meydka Naciima oo ahayd Gabar la Baadi goobayeey oo laga helay Australia

Meydka Naciima Xasan oo ka mid ahayd Soomaalida ku nool Dalka Australia ayaa laga helay degaanka Queensland ee Waqooyiga Bari ee Dalkaasi,iyado baadi

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga Hadlay Amniga iyo Maxaabiista Soomaaliyeed ee ku Xiran qaar kamid ah Dalalka Caalamka
War-murtiyed : Wasiirka Wasaaradda, Cadaaladda, Arrimaha Diinta Puntland oo Faah Faahin………
Sucuudiga oo Isku Shaandhayn Ku Sameeyey Sirdoonkiisa, (Maxaa Sababay) ?

Meydka Naciima Xasan oo ka mid ahayd Soomaalida ku nool Dalka Australia ayaa laga helay degaanka Queensland ee Waqooyiga Bari ee Dalkaasi,iyado baadi goob loogu jiray isbuucyadi ugu dambeyeey.

Dhinaca kalee Qoyska Naciimo Xasan ayaa sheegay in Gabadha ay waayeen Sabtigii la soo dhaafay islamarkaana aysan garaneyn halka ay qabatay.

Booliska Australia ayaa xaqiijiyay in shalay oo Talaado ahayd la helay Meydka Naciima oo ay sheegeen in aysan ka muuqaan calaamado muujinaya qaabka dilkeeda u dhacay.

Booliska ayaa sheegay in ilaa Axaddii la soo dhaafay ay ku raadjoogeen Nolol iyo Geeri Gabadhan oo ay Qoyskeeda Booliska ku war geliyeen maqnaanashaheeda.

Maalintii Axadda ahayd ayaa Kaamiroonka Qarsoon laga helay naciima oo ku sugan Goob kaalin shidaal ah oo lagu magacaabo Wellington Point,waxaase Meydkeeda laga helay goob aan ka fogeyn oo iyana lagu magacaabo Wellington Parka.

ilaa hadda lama garanayo sababta kadambeysay geeridideeda balse shakiyo badan ayaa jira oo ah in gabdhahas la afduubtay kadibna la dilay ,balse Booliska dalkaa ma xaqiijin arinkaa.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: