Dibadbax kadhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo kadhacay Bosaso

HomeWararka

Dibadbax kadhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo kadhacay Bosaso

Hal qof ayaa geeriyooday , laba kallena waa ay ku dhaawacmeen dibadbax kadhacay magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari. Dibadbaxa ayaa ahaa mid l

Warka DDM iyo Wariye Maxamed Xasan Dhalo (Daawo)
Dhalinyarada Soomalaiyeed ee ku biiraysa booliska Mareykanka oo korortay (daawo)
Warka Fiidnimo iyo Khadar Cawl Ismaaciil, Daljir Buuhoodle (dhegayso)

Hal qof ayaa geeriyooday , laba kallena waa ay ku dhaawacmeen dibadbax kadhacay magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari.

Dibadbaxa ayaa ahaa mid looga soo horjeeday xirnaashiyaha dekedda Bosaso oo maalintii todobaad aanay kasocon wax soo dhaqdhaqaaq soo dejin iyo dhoofin ah, kadib markii ganacsatadu ay sheegeen in lagu kordhiyay lacagihii doonyaha kusoo xiranaya dekedda.

Dadka dibadbaxayay ayaa sidoo kale ku qaylinayay erayo ay ku diidanyihiin shirkadda dekedda Bosaso maamulaysa ee laga leeyahay wadanka Imaaraatka Carabta.

Khasaaraha dhimashada iyo dhaawac ayaa yimid kadib markii ciidamada ay rasaas ku fureen dadwaynaha si’ay ukala eryaan.

Xaaladda ayaa imminka ah mid degan, iyadoona ay socdaan kulamo ganacsatada iyo odayaasha dhaqanka ay uga hadlayaan xaaladda dekedda Bosaso.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: