HomeUncategorized

“Shabaabku waxay naga codsadeen inaan jidka u furno, si ay ugu gudbaan Puntland iyo Somaliland” Guddoomiyaha degmada Dhuusa-marreeb

Dhuusa-marreeb, April, 25 - Guddoomiyaha degmada Dhuusa-marreeb SH. C/raxmaan Cali ayaa waraysi uu saaka siiyey idaacadda Daljir ku sheegay in Shabaabku uu Ahlu-sunna ka codsaday inay wadada u furaan si ay ugu gudbaan Puntalnd iyo Somaliland, taas baddalkeedana aan ciidanka Shabaabku waxba yeeli doonin Ahlu-sunna Wal-jameeca.

Duqa magaalada Bossaso oo ganacsatada waratada ah ugu baaqay in ay baneeyaan mid ka mid ah wadooyinka magaalada Bossaso.
Hoggaanka sare ee Al-shabaab oo qiray in xiriir ka dhexeeyo Al-shabaab & Al-Qa’ida, iclaamiyeyna dagaal.
Dhagayso Barnaamijka Caawa iyo Daljir Axad May 01- 2016 – Wariye C/fitaax Cumar Geeddi (Studio Daljir Garowe)

Dhuusa-marreeb, April, 25 – Guddoomiyaha degmada Dhuusa-marreeb SH. C/raxmaan Cali ayaa waraysi uu saaka siiyey idaacadda Daljir ku sheegay in Shabaabku uu Ahlu-sunna ka codsaday inay wadada u furaan si ay ugu gudbaan Puntalnd iyo Somaliland, taas baddalkeedana aan ciidanka Shabaabku waxba yeeli doonin Ahlu-sunna Wal-jameeca.

Laakiin waxa uu sheegay guddoomiyuhu inaysan marna aqbali doonin codsigaasi oo ay u arkaan mid lagu khayaanayo, ayna taageero uga baahan yihiin Puntalnd iyo Somaliland.

Dhinaca kalena boqolaal ka tirsan ciidanka Ahlu-sunna ayaa gaaray magaalada Dhuusa-marreeb, ka dib markii ay magaaladaasi si fudud uga baxday gacantooda maalintii Sabtida, waxaana uu duddoomiyuhu arrintaan ku sifeeyey inaysan dhicin wixii dhacay Sabtidii.

Dhuusa-marreeb waa magaalo istiraaji ah oo ahmiyad gaar ah u leh dhinacayada isku haysta, waana taas tan keenta in marar badan Shabaabku weeraro.

Axmed Sh. Max?ed ?Tallman?
Daljir Bossaso

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: